Taliiska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo sheegay in ay qabteen koox dadka tahriibisa.

Taliska booliska Soomaaliya ayaa ka warbixiyay howlgalo lagu soo qabqabtay dad lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen fal lagu tahriibinayay muwaadiniin Soomaaliyeed.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali oo warbaahinta la hadlay  ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen rag iyo haween la sheegay in dhalinyaro badan ay ka dhoofin jireen magaalada Muqdisho.

Sidoo kale afhayeenka ayaa sheegay in dadka ay qabteen ciidanka ay tiradooda gaarayso 27 qof, halka 22 kamid ah ay yihiin dumar, kuwaasi oo dhamaantood lagu eedeeyay in si sharci daro ah ay magaalada Muqdisho ugu dhoofin jireen dhalinyaro badan, isagoona sheegay in 8 bishan kooxdan gacanta lagu soo dhigay.

Afhayeenka waxa uu intaa hadalkisa ku daray  in dadkaan uu ku socdo baaritaan, islamarkaana sharciga la horgeyn doono.