Madaxweynaha Tunisiya oo ku baaqay wada hadalo lagu xalinayo khilaafka siyaasaddeed ee dalkiisa

Madaxweynaha dalkaTunisiya ayaa ku dhawaaqay jimcihii inuu furayo wada hadalo ku saabsan xal u helida qalalaasaha siyaasadeed ee ka socda dalkiisa.

Kais Saied oo kulan la qaatay madaxa Ururka Shaqaalaha Guud ee Tunisiya, ayey kaga wada hadleen qalalaasaha siyaasadeed iyo qaababka looga gudbi karo.

Wadanka Tunisiya ayaa waxaa hareeyay qalalaase siyaasaddeed oo soo noqnoqday, iyadoo dalku wajahayo xaaladdo dhaqaale xumo.