SHEEKADII-QUDBO SIRO QABKEYGII KU WAAYAY (QEYBTII-1AAD)

Berri baa waxaa xaafadda barafka iyo dhuxusha u keeni jiray oday illaa 40 jir ah oo ay baso iyo bariirba bidaari hooshay, doobnimona ku cagaartay oo aan waligii guursan.

Xaafadda waxaa jooji jirtay gabadh qurux badan oo dhaban iyo dheehba lahayd, barbaartuna ay guurkeeda ku talami jireen oo hanashadeeda iyo la haasaawiddeeda geed gaaban iyo mid dheerba loo fuuli jiray.

Odayga baraf lahaa waxaa foolxumada u dheeraa rasnaan iyo arrad, hayeeshee wuxuu lahaa qab oo wuxuu rumaysnaa inuu asagu qurux iyo qabnoba ragga asaagiisa uga sareeyo, inan uu la hadlaahina aanay sinaba u diidi karin.

Inanta qudheedu waxay ahayd mid kibir iyo suuri dumar sagaalka jaadba alab iyo baxaalli u lahayd,gafuur-taag iyo is magoogna ay raggu kaga quusan jireen oo kii eray ku yidhaahdaahiba uu hundhur iyo huq kala kulmi jiray.

Xaaji barafle asagoo intaaba og, kansho yaroo u muuqdayna ka biya-dooganaya/ka faa’iidaysanaya ayuu ku soo dhiiraday inuu dharaar cad inantaa la haasaawo, hayeeshee sidii looga bartayba ciil iyo caloolyow ayuu kala rogmaday, intaana uga hadhina asagii baabay dacwad u qabsatay oo ku huruuftay sababta uu asagoo nuucaas ah ugu soo bareeray, shukaansina aanay diyaar u ahayna ula soo galay.

Xaaji barafle asagoo cadhaysan/caraysan, oogadiisuna ay far iyo foodba ciil la hurayso ayuu meeshii ka jaqafsaday, saantana hoos ka boobay asagoo dharaar iyo dhirif dibnaha la ruugaya.

Waa nin la ciilaye wuxuu wacad ku maray inuu inantaa ka aarsan doono, ceeb iyo calool-xumo aanay waligeed ka soo waaqsanna uu ku dhigo asagoo adeegsanaya xeel iyo xirib uu isku tuhmayay.

Judhiiba wuxuu u tafa-xatay qorshihii uu inantaa ku fadeexayn lahaa, kibirka iyo gafuur-taagga ay muddada dheer isku jooxaarinaysayna u soo af-jari lahaa oo uu madiidin iin leh uga dhigi lahaa .

Wuxuu talada rog-rogo, wuxuu rag la faqo, iyo qorshe dhiraandhiriyoba waxaa ugu dambeyn u muuqday kansho mar la arag ah oo uu inantaa ku fadeexayn karo.

Maadaama ay dumarka waayadan joogaahi baabuurta raaxada jecelyihiin, walaalkaana uu nooha cusub leeyahay asaga u tag oo gaariga kaxayntiisa si kooban uga baro ka dibna ka soo Wado ayay talo kaga idlaatay.

Walaalkii ayuu u tagey, una sheegay qorshaha uu maaganyahay iyo waxa uu asaga ka doonayo, asna howraar san ayuu ugu hal-celiyay inuu timo buraako ah samaystona si aanay inantu u aqoonsanna waa kula taliyay.

Todobaad gudihii ayuu cali barafle gaadhi wadistii ku bartay, timo macmal ah, dhar suud ah, iyo muraayado/ookiyaal waaweyn oo kuwii qurba-joogta u egna waa diyasrsaday.

Habeenkii dambe ayuu asagoo gaadhigii wata isisoo taagay dhabbe ay inan mari jirtay kolkay fiidkii cajiinka doonayso.

Amin gaaban dabadeed ayay ayadii iyo gabadh kaloo laafyoonayaahi hortiisa ka soo muuqdeen, asna kolkuu arkay inay la simanyihiin ayuu u gacan haatiyay”aan idin sii dhaweeyee soo fuulana ku tanaagooday”.

Ayagoo muusoonaya ayay ayay gaadhigii galeen aboowe mahadsanidna cod dabacsan middood ku tidhi, kaftan yaroo duur-xul u badanina iskii ayuuba u bilowday.

Haddaba intaa maxaa xegay La soco qeybta labaad ee qormada.

QORE: Abwaan Hareeri