Ciidamada Xoogga Oo Sameeyay Howlgal Miino Raadin Ah.

Xoogga dalka Ciidamo ayaa howlgallo qorsheeysan kasameeyay degaanno katirsan Gobolka Shabeellaha hoose, halkaas oo ay Aragagixisadu ku Duugeen miinooyin.

Howlgalkaan waxaa isla sameeyey ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee xoogga iyo ururka 4-aad guutada 17-aad Ee kumaandooska xoogga gor-gor ayay kasameeyeen tuulooyin hoos taga degaanka bariirre ee gobolka Shabeelada hoose kuwaasi oo ay kamid yihiin Ballow iyo Nuunnaay.

Taliyaha uruka 4-aad ee kumaandooska xoogga dalka gor-gor ayaa sheegay in howlgalka Ciidamada ay ku guuleysteen inay ku soo saaraan Afar ka mid ah miinooyinka dhulka lagu aaso , kuwaas oo lagu Duugay inta udhexeeysa degmada Awdheegle iyo degaanka bariirre ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Taliyaha uruka 4-aad ee kumaandooska xoogga dalka gor-gor ayaa howlgalkan ku sheegay in uu yahay mid looga hortagayo weerarada Ururka Al-Shabaab ay mararka qaar ka fuliyaan degaannada Gobolka Shabeellaha hoose.