Deegaanka Laas-xaadow oo la gaarsiiyay Waxbarasho lacag la’aan ah ama bilaash ah

Deegaanka Laas-xaadow oo Dhanka Waqooyi Galbeed qiyaastii 30km ka xigta Magaalada Dhusamareb ayaa la gaarsiiyey Waxbarasho bilaash ah oo ay ka faa’iidaysanayaan dadka Deegaanka.

hirgalinta waxbarashadan bilaashka waxaa isku xilqaamay dhalinyarada Jaamacadaha wax ka barta iyo qaar soo dhameeyey kuna midoobay Naadiga Bidhaan.

Waxbarashadan oo laga bilaabayo heerka Hoose ee asaasiga ah ayaa loo bilaabay dadka deegaanka sida ka muuqatana waxa ay wax ku baranayaan sijaayado la dhigay oo ka samaysan geedo maadaamma meeshu aysan lahayn fasalo Kuraas iyo Miisas ay yaalaan.

Gudoomiyaha Deegaanka Cabdinuur Macalin iyo Gudoomiye ku-xigeenka Cabdullaahi Barre ayaa u mahad celiyey dhalinyaradan, waxa uu na xusay baahiyaha kala duwan ee meesha ka jira.

Ciise Maxamed Axmed oo ah macalin ayaa Bulshada Deegaanka ku booriyey inay ka faa’iidaystaan fursadaan Waxbarasho ayna ku xisaabtamaan inaan Dhalinyaradaan aysan jirin Cid kale oo taakulaysay, Balse garaadkoodu ku hagay dadaalkan.

Deegaano badan oo Miyiga ah ayaa dadka ku nool waxa ay ka faa’iidaysteen Waxbarasho si bilaasha lagu gaarsiiyey waxaana soo kordhaya dadka Wax-qora waxna aqriya ee ku nool tuulooyinka ka fog magaalooyinka ee Gobolka Galgaduud.