Tababar ku saabsan tabinta tacadiyada ka dhanka ah Jinsiga oo loo furay Saxafiyiin Soomaaliyeed

Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta tababar ku saabsan hab-raaca saxaafadda ee loogu talagalay soo tabinta rabshadaha ku saleysan tacadiga Jinsiga u qabatay qaar kamid ah saxafiyiinta Galmudug.

Tababarka ayaa waxaa loo qabtay 50 wariye, waxaana uu socon doonaa labo maalin, wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Cabdi Shire Falagle ayaana si rasmi ah u furey, iyaddoo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka iyo agaasimaha waaxda Qorsheynta wasaaradda Haweenka Soomaaliya, mudane Feysal Nuur Faarax.

U jeedka tababarka ayaa ah siddii wariyeyaasha loo bari lahaa hab-raaca waafaqsan sharciga oo ay u mari lahaayeen tabinta wararka la xiriira xadgudubyada ka dhanka ah Jinsiga.

Tababarkaan ayaa waxaa maalgelisay hey’adda UNFPA oo kamid ah hey’adaha bah-wadaagta la ah wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya.