Howlgal lagu xaqiijinayo Amniga oo laga sameeyey Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xooggga dalka Qeybta 27-aad, ayaa howlgal ballaaran oo loogu gol leeyahay xoojinta iyo xaqiijinta Amniga gobolka Hiiraan ka fuliyay deegaano ka tirsan halkaasi.

Deegaanada howgalka uu hadda ka socdo ayaa waxaa ka mid ah Deegaanka Aboorey, Beero-yabal, Wariirey, Galboocale iyo Yasooman, kuwaa oo dhammaantood hoostaga degmada Buulo barde ee gobalka Hiiraan.

Howlgalka ayaa qeyb ka ah howlgalada sida guud Ciidanka Xoogga uga waddaan Hirshabeelle, kaas oo kooxda nabad diidka looga sifeynayo goobaha ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan.

Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xooga dalka General Tareedisho oo Hor kacaya howshaan sifeynta ah ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in horumar weyn laga sameeyay howlgalki ay Ciidamada fuliyeen.