Madaxweynaha Faransiiska oo la dhirbaaxay xili uu safar ku marayey koonfurta dalka Faransiiska

Madaxweynaha Faransiiska Makroon ayaa wejiga dhirbaaxo looga dhuftay xili uu safar ku tegay koonfur-bari ee Faransiiska.

Muuqaal Video ah oo ku wareegaya baraha bulshada ayaa la arkayaa Mr Makroon oo Nin gashan funaanad cagaaran uu wejiga ka dharbaaxayo.

Laba nin ayaa loo xiray dhacdadan sida ay ku warantay warbaahinta Faransiiska, Ninka dhirbaaxada geystay ayaa la sheegay inuu ku qayliyay “Makroon ha dhaco” markuu dharbaaxay madaxweynaha,

Booqashada madaxweynaha ayaa ku soo aaday maalin ka hor talaabo weyn oo loo qaaday dib u furista goobaha lagu caweeyo iyo maqaayadaha Faransiiska kuwaas oo bandoo ku jiray mudo todoba bilood ah.