Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay sidii loo furi lahaa Safaaradda Sacuudiga ee Muqdisho

Danjire Maxamed Cali Nuur Xaaji, oo ah Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ee Soomaaliya, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo uu hoggaaminayay lataliye Abdusalam bin Abdullahi bin Rashud Al Anzi.

Danjire Maxamed Cali Nuur, ayaa soo dhoweeyay wafdigan ka socday Sacuudiga, isagoo caddeeyay in Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay tahay dowlad walaal ah oo xiriir qotodheer oo ku sal go’an ilbaxnimo iyo dhaqan uu kala dhexeeyo Soomaaliya, iyadoo ah dowlad wax wadaag istiraatiijiyadeed, waxa uu bogaadiyay taageerradeeda bani’aadannimo iyo mowqifyada heer caalami ee ay ku garab istaagto Soomaaliya.

Kulankani ayaa intiisa badan diiradda lagu saaray qabanqaabada dib u furista Safaarada Sacuudiga ee Muqdisho, iyadoo adeegyadeedana laga soo wareejinayo caasimada Kenya ee Nairobi, iyo xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee dano wadaagga ah oo ay ku jirto siyaasadda, dhaqaalaha, ganacsiga , dhaqanka iyo waxbarashada si looga guul keeno yididiillada iyo himilooyinka labada dal iyo Shacabka walaalaha ah.