Wasiirka maaliyadda oo shir guddoomiyey kulanka billaha ee guddiga maamul wanaaga maaliyadda

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka billaha ee guddiga maamul wanaaga maaliyadda ee ( FGC), oo ay ku mideysan yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’addaha dhaqaalaha adduunka. Waxaana kulanka looga hadlay xaladda dib u habeynta maamulka maaliyadda ee dowladda iyo meelaha kale ee muhiimka ah sida habka qandaraasyadda, Iibka Qaranka (procurement), iyo heshiishyadda dowladdu gasho.

“ waxaan u mahadcelinayaa Hey’adihii nagala qeyb galay shirka oo ay ugu horreeyaan xafiisyadda Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha, wasaaradda Badroolka, Bangiga Adduunka, IMF, iyo Bangiga dhexe ee Soomaaliya” ayuu yiri Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.