Dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo mareysa meel gebo gabo ah.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha guud & Guryenta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan macalin (Soomaali) ayaa ka hadlay xilliga sida rasmiga ah ee xariga laga jarayo dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, isagoo sheegay in howsha dhismaha wadadaasi mar aan fogeyn lasoo gabo gabeyn doono.

Wasiirka oo la hadlay Warbahinta Qaranka ayaa sheegay in qorshuhu ahaa in xariga laga jaro dhismaha wadada Bishii Febaraayo ee la soo dhaafay balse sababao amni darteed uu dib ugu dhacay.

Waxaa sidokale wasiirka intaa hadalkiisa ku daray dhismaha wadada uu haatan yahay geba-gabo, isla markaana la gaarsiiyay Buundada degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, dhawaana xariga laga jari doono.