Madaxweyne Deni oo daah furay Barnaamijka Qorsheynta dhulka caasimadda Garoowe

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa daah furay Barnaamijka Qorsheynta dhulka magaalo madaxda dowlad goboleedka Puntland ee Caasimadda Garoowe.

Kulan oo ka dhacay xarunta Hay’adda Cilmi baarista Puntland ee PDRC, ayaa lagu soo bandhigay xog maqal iyo muuqaal ah oo hab farshaxameysan oo ay dowladda hoose ee Garoowe ku faah faahisay Qorsheynta dhulka caasimadda iyo sida loo hirgelinayo.

Mudane Deni ayaa u digay dadka inta badan dhulka xoogga ku qabsaday, isagoo faray laamaha amniga iyo Hay’adaha Garsoorka in ciddii lagu helo in ay boobayso dhul aysan laheyn la marsiinayo sharciga.

Madaxweynaha Puntland ayaa muujiyay muhiimada ay leedahay in Mustaqbalka Garoowe loo diyaariyo mid horumarsan oo ka qurux badan dhinac kasta sida dismaha waddooyinka, Guryaha iyo guud ahaan bilicda Magaalada, wuxuuna ku baaqay dowlad iyo shacab in taasi laga wada shaqeeyo.