Haween Soomaaliyeed oo cambaareeyey duqeyntii Gedo codsadayna in Kenya sharciga lala tiigsado

Qaar ka mid ah haweenka ku nool magaalada Muqdisho, kana soo jeeda gobolka Gedo ayaa cambaareyn dusha ugu tuuray dowladda Kenya iyagoo sheegay in Kenyaatigu si ulakac ah ay mar walbo duqeymo ula beegsadaan Shacabka ku nool magaalooyinka iyo baadiyaha gobolka Gedo.

Duqayn diyaaradaha dowladda Kenya ay ka geysteen gobolka Gedo 3-dii bishan ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah oo aan waxba galabsan iyagoo sidoo kale ay ka horreeyeen duqeymo kale oo waxyeelo kasoo gaareen shacabka ku nool deegaanaasi.

Haweenka ayaa ku nuux nuuxsaday in ay tahay wax aan la aqbali karin duqaymaha soo laab laabtay ee ay dowladda Kenya ka geeysanayso gobolka Gedo, waxayna ku baaqeen in dowladda Kenya lagula xisabtamo gaboodfallada ay geysaneyso.

Haweenkii kulanka ka qayb galay oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in shacabka gobolka Gedo ay u baahanyihiin garab istaag, dhankoodana ay cambaareynayaan falkaasi foosha xun ee ay sameeyeen ciidamada Kenya, waxaana ay dowladda ka codsadeen inay wax ka qabato dhibaatada Kenya ay ku heyso shacabka Gobolka Gedo.

3-dii bishaan ayay ahayd markii diyaaradaha Kenya ay duqayn ka gaysteen gobolka Gedo, gaar ahaan deegaanka Ceel Cadde iyo tuulooyin hoostaga Degmada Beled Xaawo, taasi oo sababtay dhimasho iyo dhaawac dad shacab, waxaana ay u badnaayeen carruur iyo haween.

Dowlada Soomaliya ayaa magaalada Muqdisho keentay qaar ka mid ah dadkii ay dhaawacyadu ka soo gaareen duqeynta, kuwaasi oo iminka lagu daweynayo isbitaalada Muqdisho.