Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Warfaafinta oo xilka la wareegey.

Munaasabad kooban oo ay kasoo qeyb galeen Wasiirka Wasaaradda Warfaafint, Agaasime waxeedyada iyo shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta ayaa waxaa xilka kula wareegay Agaasimaha cusub ee wasaaradda Cabdullaahi Maxamed Xayar oo dhawaan loo magacaabay Agaasimaha guud ee Wasaaradda.

Munaasabada ayaa sidoo kale Agaasimihii hore ee Wasaaradda loogu magacaabay agaasime ku xigeen ahna Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee wasaaradda warfaafinta .

Agaasimaha Cusub ee Wasaaradda ayaa u mahadceliyey Agaasihii hore ee xilka kala wareegey waxa uuna agaasime waxeedyada iyo dhammaan shaqaalaha kula dardaarmay in ay dardar geliyaan shaqada Wasaaradda asagoo balanqaaday in uu si wanaagsan u gudan doono waajibaadkiisa.