Taliyaha qeybta 60-aad ee CXDS oo maanta dib ugu soo laabtey magaaladda Baydhabo

Taliyaha qeybta 60-aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Maxamed Shiikh Cabdullahi (Ciirow ) ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaaladda Baydhabo Xilli safaro shaqo ugu maqnaa magaalooyinka Muqdisho Iyo Baraawe.

Taliyaha ayaa intii uu ku sugnaa magaalooyinka Muqdisho iyo Baraawe Waxa uu kulamo la qaatey Saraakiil ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed iyo walib kuwa Amisom ee nabad ilaalinta u jooga dalkeenna, asigoo kala hadlay xaaladha ay ku suganyihiin ciidamada xoogga dalka ee Qeybta 60-aad.

Sidoo kale Genaraalka ayaa magaalada Baraawe waxa uu kulamo kula qaatay Saraakiisha guutada 6-aad ee qeybta 60-aad ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ee fadhigoodu yahay Baraawe, Waxana ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wadda shaqeynta loona dar-dar gelinlahaa Howlgallada ka dhanka kooxda nabadiidka Al-Shabaab.

Taliyaha Qeybta 60-aad Gen Maxamed Shiikh Cabdullahi (Ciirow ) ayaa Saraakiisha iyo ciidanka Farey inay sii xoojiyaan Howlgallada lagu Sifeynayo nabadiidka Al-Shabaab loona bahan yahay in Ciidamada Feejignaan dheeri ah ay muujiyaan.