Wasaaradaha Kalluumeysiga iyo Dekedaha oo xusay maalinta Caalamiga ah ee Baddaha Adduunka

Munaasabadda lagu xusayay maalinta Badaha Adduunka oo ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen Wasaaraddaha Kheyraadka Badda iyo Gaadiidka Badda ayaa waxaa ka qeybgalay ururada iskaashatooyinka, Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Soomaaliya iyo  mas’uuliyiin ka socotay xafiiska Ra’isul Wasaaraha dalka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Soomaaliya Mudane Maxamuud Sheekh Cabdullaahi ayaa sheegay in xuska maalinta badaha Adduunka ay muhiimad gaar ah u leedahay shacabka Soomaaliyeed, isagoo ku baaqay in si wada jir ah looga faa’iideysto kheyraadka badda ku jiro, maadaama Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer Qaaradda Afrika.

Wasiirka Wasaaradda Kallkuumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullahi Bidhaan Warsame oo soo xiray munaasabadda lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee Badaha Adduunka, isla markaana si gaar ah ula hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in uu meel gabagabo ah marayo sharciga looga hortagayo kalluumeysiga sharci darrada ah, mustaqbalka dhawna gudaha dalka lagu maxkamadeyn doono ciddii sharciga jebisa .