Ciidanka Isra’il oo xabsiga dhigay gabar u ololeysa xaafadda Sheekh Jarraax ee Qudus

Qudus- Booliska Israel ayaa maanta xabsiga dhigay Muna al-Kurd, oo safka hore kaga jirta dadkii u ololeeyay dhaqdhaqaaqyadii lagu joojiyay degaameynta ay Yuhuudda ka wadday xaafadda Sheikh Jarrah ee bariga magaalada Qudus.

Nabil al-Kurd, oo ah Muna aabbaheed ayaa Wakaaladda wararka Falastiin ee WAFA u sheegay in gabadhiisa ay Boliiska ka wateen gurigooda oo ku yaalla xaafadda Sheikh Jarrah, isagoo intaa raaciyay inay Ciidanku ku war geliyeen inuu isa soo dhiibo walaalkeed la mataan ah oo lagu magacaabo Maxamed.

Muna Nabil al-Kurd, oo ah 23 jir u dhalatay Falastiin iyo walaalkeed Maxamed ayaa lagu eedeeyay inay ka mid yihiin dadka u dhaqdhaqaaqa xorriyadda dadka iyo dalkooda, iyagoo saddexdii bil ee ugu dambeysay waday olole ay ugu magic dareen #SaveSheikhJarrah (badbaadi Sheekh Jarraax).

Xarigga Muna ayaa yimid maalin kadib markii ay Ciidanka Yuhuudda xireen Givara Budeiri, oo ah suxufiyad u shaqaysa Aljazeera xilli ay tabineysay bannaanbax ka socday Sheikh Jarrah.