Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo daahfuray qorshaha fayo-dhowrka caafimaadka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir (Cumar Filish) ayaa Maanta daahfuray Qorshaha Fayo-dhowrka Caafimaad Dowladda Hoose ee Xamar, Bad-Qabka dadka u adeega Bulshada iyo Bixinta Buuga Caafimaad.

Munaasabadaan oo ka dhacday Hotelka Decale ayaa waxaa kasoo qeyb-galay Wasiirka Wasaarada Cadaalada Dowlada Federaalka Soomaaliya, Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir, Xildhibaano, Agaasimeyaal iyo Bahda Caafimaadka.

Qorshahan maanta la daah furay ayuu Maamulka Gobolka Banaadir ugu gol-leeyahay sidii loogu shaqeyn lahaa Badqabka Bulshada isla markaana loo tayeyn lahaa Fayo-dhowrka iyo Caafimaadka Bulshada Gobolka Banaadir.