Wasaaradda Waxbarashada oo soo gabo-gabaysay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada sare

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xasan ayaa maanta soo xiray Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka12aad.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda waxbarashada ayaa sheegay in aysan jirin caqabado ku yimid  Howlwadeennada, Ilaaliyayaasha, kormeerada iyo guud ahaan habsami u socodka Imtixaanka  Shahaadiga ah ee Sanad dugsiyeedka 2020-2021.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada ayaa u mahadceliyay Ardayda, Maamulada Iskuuladda, Ardayda iyo Waalidiinta ee xilliga adag ku dhiiraday in ay Carruurta Soomaaliyeed wax baraan.

Agaasimaha guud ayaa u rajeeyay Mustaqbal Wanaagsan iyo Horumar bahda Waxbarshada Soomaaliyeed heer kasta iyo meelba oo ay joogan.