Ra’iisal wasaare Rooble oo maanta ku wajahan magaalada Jowhar iyo Wafdi hordhac u ah socdaakiisa oo gaarey halkaasi

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo isugu jira wasiirro iyo xildhibaanno hordhacna u ah socdaalka Ra’iisal wasaare Rooble ayaa goordhow gaaray magaalada Jowhar ee Gobolka Sh/Dhexe.

Wafdiga ayaa waxaa ka mid ah Wasiirada Arrimaha Gudaha, Warfaafinta, Gargaarka iyo masiibooyinka , waxaa lagu soo dhoweeyay fariisinka ciidamada AMISOM ee xaafadda horseed oo ka tirsan Degmada Jowhar.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa saacadaha soo socda la filaaa inuu gaaro magaalada Jowhar, iyadoo magaaladaasi ay ka socdaan qababqaabo ku aadan soo dhoweynta raiisul wasaaraha iyo wafdiga uu hoggaaminaayo.

Safarka Ra’iisul wasaaraha ayaa ku qotama u kuur gelidda xaaladda deegaanka iyo dadka ay daadadka saameyeen.
Dhanka kale, Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa shalay dib ugu laabtay magaalada Jowhar si uu magaalada ugu soo dhoweeyo Wafdiga Ra’iisal wasaaraha.

Magaalada Jowhar iyo Guud ahaan Dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa waxaa ka jira xaalado bini’aadannimo oo ay sababeen Fataahdo iyo dagaal beeleedyo kusoo laalaabtay, kuwaasoo dhawaan laga gaarey heshiis ay gar wadeen ka aheyd Dowladda Soomaaliya, iyadoo u dirtay Guddi isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano uu hogaaminaayey Wasiir kuxigeenka Gaashandhigga Soomaaliya Cabdifataax Qaasim.