Wasiirka Wasaaradad Howlaha Guud XFS iyo wafdi uu hoggaaminaayey oo gaaray Samareeb

Wafdi uu hoggaaminayey wasiirka  wasaarada howlaha guud, dib u dhiska iyo  guryeynta Dowlada Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aadan Macalim ayaa maanta gaaray Magaalada samareeb ee Xarunta dowlad goboleedka Galmudug,

Socdaalka wasiirka oo ay ku wehlinayeen Masuuliyiin heer federaal ah ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Wasiirka Wasaarada Howlaha guud, dib u dhiska iyo  guriyenta Galmudug Axmed dhiblaawe casir iyo Masuuliyiin kale.

Kadib soo dhaweyn loo sameeyay wasiirka wasaarada howlaha guud ee XFS, Maxamed aadan Macalim waxaa loo soo galbiyay Madaxtooyadda Galmudug halkaasi oo uu kula kulmay Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ahna ku simaha Madaxweynaha, waxaana ay halkaasi isku weydaarsadeen salaan iyo is xog wareysi kooban.

Ujeedka wasiirka wasaarada howlaha guud, dib udhiska iyo guriyenta Dowlada Soomaaliya u tagay samareeb ayaa ah daah-furka mashruuca dhismaha wadooyinka iyo dib udayactirka wadada laamiga ah kaasoo wajigiisa koowaad maanta laga dhagax dhigay Magaalada samareeb islamarkaana mitiraadkiisa koowaad ku eg yahay deegaanka qaradhi ee Gobolka Galgaduud.

Wasiirka Wasaarada Howlaha guud dib udhiska iyo guriyenta Galmudug axmed dhiblaawe casir oo soo dhaweyn kadib warbaahinta kula hadlay Gudaha Madaxtooyada Galmudug ayaa dul istaagay muhiimada wafdiga wasiirka usoo saareen Galmudug.

Dhinaca kale wasiirka wasaarada howlaha guud dib udhiska iyo guriyenta Dowlada Soomaaliya mudane Maxamed aadan Macalim ayaa sheegay in la daahfuri doono wajiga koowaad ee Dhismaha wadooyinka iyo dib udhiska wadada laamiga kaasoo ka bilaaban Doona magaalada samareeb