Agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga ee XFS oo kulan la yeeshay bahda Saxaafadda

Agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan ayaa maanta furay kulan horudhac ah oo ay Wasaaradda la yeelatay qeybaha kala duwan ee Saxaafadda dalka, oo ay ugu soo bandhigaysay sidoo kalena faham buuxa ka siinaysay sida uu u shaqeeyo Habka Onlaynka ah ee Diiwaan gelinta Shirkadaha iyo Bixinta laysimada Ganacsiga Soomaaliya oo dhawaan la daah furi doono.

Ujeedka kulankan, ayaa siddii Saxaafadda dalka ay qeyb uga noqon lahayd in bulshada la fahamsiiyo sida uu u shaqeynaayo barnaamijkani maadama ay u dub dhexaad u yihiin horumarinta dawladnimada iyo siddii bulshada loo gaarsiin lahaa  xogo iyo war-bixinno dhammeystiran.