Danjiraha Soomaaliya u fadhin doona Addis ababa oo Warqadihiisa aqoosiga u gudbiyey Madaxweynaha dalkaasi.

Madaxweynaha Dawladda Etoobiya Sahle-Work Zewde ayaa warqadahiisa aqoonsiga si rasmi ah uga guddoontay danjiraha cusub ee Dawladda Soomaaliya u fadhin doona dalkaasi Itoobiya Danjire Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilka Jiir.

Munaasabad heerkeeda sarreeyey oo ka qabsoontay aqalka madaxtooyada Itoobiya ee caasimadda Addis Abeba, oo ay ka qayb galeen masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya iyo madaxda safaaradda Somaaliya ee Addis Abeba ayaa waxaa Waraaqadihiisa Safiirnimo loogu gudoomay Danjire Ilkajiir.

Kadib markii danjiraha cusub laga guddoomay warqadaha aqoonsiga ayuu si rasmi ah ugu gudbay una fariistay xafiiskiisa cusub ee safaaradda, halkaas oo ay ka dhacday munaasabad kooban oo hawl-wadeenada Safaaradu ay kusoo dhoweynayeen safiirka cusub ee Soomaaliya u joogi doona dalkaasi Etoobiya