Dalka Mali waxaa laga hakiyay xubinnimadii Midowga Afrika

Wadamada ku bahoobay Ururka Midowga Afrika ayaa si kumeel gaar ah u joojiyay xubinnimadii dalka Mali ee ururkaasi, Tallaabadaas Ururku qaaday ayaa jawaab u ah afgambigii uu militariga dalkaasi ku qabsaday dowladdii dalkaas ka ariminaysay.

Bayaan kasoo baxay Urur gobaleedka Midowga Afrika, ayaa lagu sheegay in Mali ay la kulmi doonto cunaqabateyn dheeraad ah, haddii militarigu aanu awoodda dib ugu soo celin dowladdii rayidka aheyd ee dalkaas ka talineysay.

Militariga Mali ayaa asbuuci hore xiray, madaxweynihi ku meel gaarka ahaa Bah Ndaw iyo Ra’isul Wasaarihiisii Moctar Ouane, kaddibna ku cadaadiyay in ay iscasilaan, arrintaas oo dhabarka ka jabisay dadaalladi lagu doonayay in dalka galbeedka Afrika lagu gaarsiiyo doorasho dimoqraadi ah sideed bilood kaddib marki ay isla militarigu afganbi awoodda uga tuureen madaxweynihi hore ee dalkaasi.

Sidokale Urur goboleedka ECOWAS ee Galbeedka Afrika ayaa isna maalinimadii Axada dalka Mali ka joojiyay xubinnimada ururkaasi