Qaraxyo ruxay magaalada Kabul ee dalka Afganistaan

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay 12 kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib qaraxyo is xig-xiga oo maanta ka dhacay magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afganistaan.

Hamid Rushan oo ah afhayeen u hadlay Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Afganistaan ayaa sheegay in laba qarax oo iskuxigay ay ka dhaceen galbeedka magaalada Kabul, kuwaas oo uu ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac badan.

Qarax saddexaad ayaa ka dhacay xarun koronto oo ku taal waqooyiga magaalada Kabul, kaas oo geystay qasaare ballaaran oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayadoo sidoo kalena ay jirto burbur hantiyadeed oo baaxad leh sida uu warbaahinta u sheegay sarkaal ka tirsan waaxda tamarta iyo korontada ee dowladda Afganistaan oo lagu magacaabo Sangar Niazai.

Qaraxyadan ayaa waxaa bartilmaameedkoodu ahaa goobo ay ku badanaayeen dadka Shiicada ah ee laga tirada badan yahay ee ku nool dalka Afganistaan, ma jirto cid sheegatay in ay ka dambeysay weerarradan.

Ururka Daacish ayaa looga bartay Qaraxyada noocaan ah ee lagu ugaarsanayo Shiicada ku dhaqan dalkaasi oo ah 20% dadka reer Afganistaan.