Wasiir ka tirsan dowladda Uganda oo lagu risaaseeyey Magaalada Kampala.

Wararka ka imaanaya magaalada Kambala ee dalka Uganda ayaa waxa ay sheegayaan in Wasiirka howlaha Guud iyo Gaadiidka ee dalkaasi Uganda Gen. Katumba Wamala saakay lagu raasaaseeyay Kisota, xilli uu ka yimid Gurigiisa oo ku yaala Najjera.

Wasiirka ayaa waxaa la sheegay in uu soo gaaray dhaawac isla markaana loola cararay Isbitaalka, waxaa sidoo kale wararka ay sheegayaan in uu dhintay Darawalkiisa iyo Gabar uu dhalay.