Ciidanka XDS oo 25 Al-shabaab ahaa ku dilay gobolka Hiiraan

Buulo-burte- Ciidanka xoogga Dalka Soomaliyeed, qeybta 27aad ayaa howlgal ay ka sameeyeen degaanka Ceel-bacad oo hoos tagta degmada Buulo-burte waxa ay ku dileen 25 ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabab.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal, Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Al-shabaab looga furtay dagaalkaasi hub fara badan iyo agab millateri.

Taliyaha ayaa xusay qasaaraha argagixisada la gaarsiiyay inuu intaa ka badan yahay balse uu socdo tirakoob iyo xog ururin, islamarkaana ay dib kasoo sheegi doonaan.