Guddoomiye Cumar Filish oo dhagax dhigay dhismaha waddada xiriirisa Muqdisho iyo Jaziira

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhagax dhigay dhismaha waddada Xalane ee xiriirisa Muqdisho iyo Jaziira.

Waddadan oo kamid ah kuwa ugu mashquulka badan ee Caasimadda ayaa waxaa ku yimid bur bur uu sababay Roobkii ka da’ayay Magaalada Muqdisho bilihii lasoo dhaafay taas oo isticmaal keeda noqotay mid halis ah.

Dhagax dhigaan waxaa goob joog waxaa ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha guud ee Gobolka Banaadir iyo xubno kale.