Wasiirka ku xigeen wasaaradda caafimaadka ee XFS oo gaaray Garoowe

Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka iyo arrimaha bulshadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Axmed Xuseen Macalin Dr. Gurey, ayaa gaaray magaaladda Garoowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland, waxaana uu kormeer ku sameeyey xarunta wasaaradda caafimaadka ee Puntland, Isbitaalka weyn ee Garoowe, sheybaarka guud iyo xarunta caafimaad gobolka Nugaal.

Wafdiga wasiir ku xigeenka caafimaadka ee XFS oo ay qeyb ka ahaayeen Lataliyaha arrimaha bulshadda ee Xafiiska Madaxweynaha JFS Mudane Cali faarax Seeraar, wasiirka caafimaadka Galmudug Cabdiwali Cabdullaahi Jaamac, ayaa intii ay ku guda jireen kormeerka waxaa ay warbixino ka dhageysteen wasiirka caafimaad Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan oo sharaxaad ka bixiyey dadaaladda ay ka sameeyeen nidaamka caafimaadka Puntland.

wasiir ku xigeenka caafimaadka ee xukuumada Federaalka Soomaaliya  Dr. Axmed xuseen macalin Dr. Gurrey ayaa ugu dambeyn ku booriyay Puntland iyo Galmudug ka wada shaqeynta horumarinta adeegayada aas-aasiga u ah Caafimaadka Bulshada, isagoo ka warbixiyey ujeedka safarkiisan uu ku kala bixinayo dhammaan dowlad Goboleedyada dalka