Taliyaha Qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga oo kormeeray fariisimada ciidamada ee duleedka Ceeldheere

Taliyaha Qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Caddow Cali Sanka ayaa kormeer dhiira-gelin ah ku tagay fariisimada ciidanka Guutada 15-aad ku leeyihiin duleedka deeganka Ceeldheere, waxaana halkaas si diiran Taliyaha Qeybta ugu soo dhaweeyey Jeneraal Mascuud Maxamed Warsame Taliyaha Guutada 15-aad Gaashaanle Xersi Cali Quuri Abaanduulaha Guutada iyo Saraakiil kale oo guutada ka tirsan.

Taliyaha ayaa booqday difaacyada ciidanka xoogga iyo deegaanadii ay ku baacsanayeen maal mihii danbe malishiyada Al-Shabaab, kuwaas oo hoostaga deeganka Ceeldheere ee gobolka Galgaduud.

Jeneraal Sanka ayaa bogaadiyey howlgallada joogtada ah oo ciidamadu aagaas ka wadaan isagoo kula dar daarmay inay sii xaqiijiyaan nabadgalyada deeganka iyo deegaanada ku xeeran.