Wasiir kuxigeenka Gaashaandhigga Soomaaliya oo CXDS ku boorriyay inay labajabbaaraan dagaalka ka dhanka ah cadowga

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS xildhibaan Cabdulfitaax Qaasim oo maalmahanba kormeer shaqo u joogay Gobolka Hiiraan ayaa wuxuu halkaasi kulamo kula yeeshay taliska guutada 5-aad, qeybta 27-aad ee xooga Dalka Soomaaliya oo uu fadhigiisu yahay magaalada Baladweyn.

Wasiirka ayaa saraakiisha taliska kadhageystay xaaladaha Ciidanka, waxaana uu ku bogaadiyay howsha ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo faray inay sii laba laabaan dadaalkooda ku aaddan sugidda ammaanka iyo la dagaallanka cadowga.

Mudane, Qaasim ayaa sidoo booqday xabsiga dhexe ee magaalada Baladweyn, wuxuuna halkaasi warbixin ku aaddan maxaabiista uga dhageystay Taliska xabsiga iyo xaaladaha ciidanka halkaasi ka howlgala.