Wasiir ku xigeenka waxbarashada Koofur Galbeed oo maantay tagay Buurhakaba

Wasiir ku xigeenka waxbarashada Koofur Galbeed Eng. Cabdifitaax Isxaaq Maxamed iyo xildhibaan Bishaaro Cali Nuur ayaa maanta tagay degmada Buurhakaba ee gooblka Baay, u jeedada socdaalkooda wuxuu ahaa sidii degmada loo gaarsiin lahaa imtixaanka dugsiga sare iyo dhexe ee halkaas.

107 arday oo dugsiga sare ah ayaa sanadkan imtixaanka shahaadiga ku gali doonta degmada Buurhakaba kaas oo bilaabanaya 29 bishan Maajo.

Sidoo kale, wefdiga wasiir ku xigeenka waxbarashada Koofur Galbeed waxaa kamid ahaa kormeeriyaal ka socda wasaaradda Waxbarashada dowladda federaalka Soomaaliya.