Ruushka oo muwaadiniintiisa kala baxaya magaalada Qasa.

Wasaaradda gurmadka ee Ruushka ayaa maanta oo khamiis ah ka daad gureyneysa marinka Qasa ee dalka Falastiin 64 qof oo ay ku jiraan 31 carruur ayey Dawladda Ruushka ka saaraysaa maanta sida ay qorshaysay wasaaradda gurmadka.

Muwaadiniinta  Ruusha ee laga soo saaraayo Qasa ayaa gaaraya 400, oo qof.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa  amar ku bixiyay in laga soo qaado Qasa  muwaadinkii doonaya inuu dib ugu soo laabto dalkiisa.