Ciidanka Xoogga dalka oo ka saaray deegaano ay ku dhuumalaysan jireen argagixisadda Shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgallo qorshaysan ka wada Degaano katirsan Gobolka Shabeelaha dhexe, Howlgalka oo uu hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage, ayaa Ciidanka Xooggu waxay ka fuliyeen Degaanada War-dhagax, war-ciise, Gaal leef, Qoor dheere, Jilable iyo Cali Fooldheere, oo dhamaantood ka tirsanGobolka Shabeelaha dhexe,  kuwaasi oo ay si dhuumaalaysi ah ku joogeen Maleeshiyaad ka tirsan argagixisada Al-Shabaab.

Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka Gaashaanle Sare Cali Xaashi, ayaa Warbaahinta qaranka u sheegay in maleeshiyaadkii ku dhuumaalaysanayay  deegaanadaas ay isaga carareen wuxuu na intaas ku daray inuu jiro qasaare xoogan oo Ciidanka Xooggu gaarsiiyay argagixisadii ku dhuumalaysanayay deeganadaas.

Sidoo kale Afhayeenku waxaa uu hadalkiisa ku daray in Ciidamada ay weli howlgalka sii wadaan, isla markaana la filayo inay degaano hor leh oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe kala wareegaan Al-Shabaab.