Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo soo dhaweeyay shirka looga hadlayo arimaha doorashooyin..

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa kulan maanta ay ku yesheen Magaalada Muqdisho waxa ay ku tagereen Shirka Dowladda Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada & Guddoomiyaha Gobolka Banaasir uga socdo Magaalada Muqdisho,kaa uu guddoominayo Ra’iisal wasaare XfS

Culimada Soomaaliyeed ayaa kulankooda waxaa ay kasoo saareen Bayaan ay ku taageerayaan shirka, iyaga oo sidoo kale baaq iyo talooyin kala duwan u jeediyay hoggaamiyeyaasha Soomaalida.

Hoos ka Akhriso Nuxurka Bayaanka ay soo saareen Hay’adda Culimada Soomaaliyeed.

1: Waxaay Culimada soo dhaweeynayaan Shirka Arrimaha doorashooyinka ee ka socda Muqdisho ee uu horay u iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxayna Alle ka baryeen in Shirka uu guuleysto.

2: Hay’adda Culimada Soomaaliyeed waxay is xasuusinayaan ammaanada cirka iyo dhulka iyo Buuraha diideen ee rabi u dhiibay siyaasiyiinta Soomaaliyeed loogana baahan yahay inay dhowraan.

3: Waxay adkeeynayaan Culimada in go’aanka doorashada lagu saleeyo Diinta Islaamka sida Cadaalada hufnaanta lagana fogeeyo dhamaan nuuc kasta uu yahay dulmiga iyo musuq maasuqa.

4: Waxaay ugu baaqeynaa Umadda Soomaaliyeed Midnimo, waxaana u mahad celinayaan cid kasta oo gacan ka geeysatay hirgelinta iyo qabsoomida Shirka looga hadlayo Arrimaha doorashada Soomaaliya.

Qaar kamid ah Xubnaha Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed oo kulanka ka hadlay ayaa dalbaday in shirkaasi la taageero laguna dadaalo sidii uu u guuleysan laha