Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo maanta shir ka yeelan doona rrimaha Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta shir ka yeelan doona arrimaha Soomaaliya – qodobbada ay ka hadli doonaan waxaa ka mid ah doorashooyinka iyo arrimaha bani’aadamnimada.

Golaha Waxaa warbixinno kooban looga dhageysan doona Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, James Swan, iyo Madaxa AMISOM, Francisco Madeira,oo shirka ka qayb gali doono.