Toogasho ka dhacday dalka maraykanka oo sababtay dhimasho iyo dhaawac

Toogasho ka dhacday gobolka New Jersey ee dalka Mareykaykan ayaa sababtay dhimasho iyo dhaawac toogashadan oo ahayd mid wadareed ayaa habeenkii sabtida ka dhacday xaflad weyn oo guri ka dhacaysay taasoo ay ku dhinteen laba qof ugu yaraan 14 kalena  ku dhaawacmeen.

Gudoomiyaha gobolka New Jersey Phil Murphy ayaa soo saaray bayaan uu ugu yeeray toogashada inay ahayd”mid argagax leh ayna ka muuqato nacasnimo iyo fulaynimo.”

Toogashadan ayaa ahayd tii ugu dambeysay iyadoo ay sii kordhayaan rabshadaha ay sababaan haysashada qoryaha,iyadoo dhinaca kale toogashadani kicisay baaqyo badan oo ku aaddan xakamaynta qoryaha arrintan oo muddo dheer muran ka taagnaa dalka Mareykanka.