Taliyaha Qaybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka oo kormeer ku tagay degmada Baxdo.

Taliyaha Qaybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka Gen Maxamed Cadoow Cali “Sanka” ayaa maanta kormeer ku tagay ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud kuwaa oo isku diyaarinaya howlgalada ka socda Gobolka Mudug iyo Galgaduud kuwaas oo argagaxisadda looga cirib tirayo.

Ciidamadan ayaa ah kuwo isku diyaarinaya ka qeyb qaadashada howlgallada ka socda Gobolka Mudug ee la doonayo in maleeshiyada Al-shabaab looga saaro degaannada ay weli kaga sugan yihiin Gobolka Mudug,

Taliyaha ayaa Warbixino ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada ku sugan Xerada, iyaga oo sheegay in Amniga degmada iyo degaannada ku dhow uu yahay mid wanaagsan oo la isku haleen karo,waxa una ciidmada ku amaanay dagaalada ay cadawga kula jiraa iyo guulaha ay ciidamadu ka gareen.