Kulan looga hadlayo la dagaalanka argagixisada iyo sugida amniga oo ka socda Gaalkacyo

Kulan looga hadlayo la dagaalanka argagixisada iyo sugida amniga ayaa ka socda magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galaya mas’uuliyiinta gobolka Mudug ee Puntland oo ay wehliyaan Saraakiisha laamaha amniga heer federaal iyo heer Dowlad goboleed.

Waxyaabaha sida weyn diiradda loogu saarayo ayaa waxaa ka mid ah xaaladaha Nabadgelyada iyo la dagaallanka kooxda argagixisada Al-Shabaab