shaqaalaha caafimaadka Galmudug oo tababar loo furay

aalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Tababarkan ayaa sidoo kale lagu baranayaa hirgelinta ka hirgelinta dhammaan goobaha caafimaadka habka caalamiga ah e ka digtoonaanta isqaadsiinta cudurka Covid-19, kordhinta wacyigelinta Bulshada iyo diyaarinta nidaamka isku xirka Bulshada.

Agaasimaha qorsheynta iyo siyaasadda ee wasaaradda caafimaadka Galmudug Cabdixakiim Maxamed Diiriye oo ka hadlay madasha furitaanka tababarkan ayaa sheegay in muhiimaddu ay tahay kor u qaadista xirfadda shaqaalaha caafimaadka.

Sidoo kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed ayaa shaqaalaha ka faa’ideysanaya tababarkan kula dardaarmay in ay sare u qaadaan aqoontooda, maadama ay la macaamilayaan Bulsho badan.