Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya oo la kulmay madaxa AMISOM

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen, Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa la kulmay madaxa Amisom ahna wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha midowga Afrika Ambassador, Francisco Madeira oo ay wehliyaan  saraakiisha sarsare ee howlgalka AMISOM.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa masuuliyiinta uu la kulmay kala hadlay arrimaha doorashooyinka iyo sida amniga loo sugi lahaa.