Ciidamada xoogga dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay maleeshiyaad ka tirsan argagixisada

Ciidamada Xoogga dalka ururka 41-aad Guutada 5-aad Qeybta 27-aad oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Dagmada Buulo-burte iyo deegaano hoos-yimaado ayaa waxay ku bur-buriyeen fariisimo ay maleeshiyada Al-Shabaab ku lahaayeen halkaas.

Labo xidigle Xuseen Xasan Joodax (Xuseen Horow) oo hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay in ay deegaanka Afcad ku dileen ilaa iyo lix ka tirsan argagixisada Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa ka dambeeyay ka dib markii, maleeshiyada Al-Shabaab weerar fulaynimo ah ay ku soo qaadeen degmada Buula-burte, halkaasina khasaaro xooggan lagu gaarsiiyay maleeshiyadii fara ku tiriska ee weerarka soo qaaday.