Madaxweynaha Hirshabeelle oo soo gaaray Muqdisho

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow soo gaaray magaalada Muqdisho.

Waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, Xildhibaanno ka tirsan labada Gole iyo mas’uuliyiin kale .

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa Muqdisho kaga qeyb galaya Shirka Golaha Wadatashiga Arrimaha doorashooyinka oo lagu wado in maanta oo Sabti ah uu ka furmo Muqdisho.