Saraakiil ka tirsan hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo tababar loo soo xiray

Tababar ku saabsan baarista dukumiintiga safarka (Baasaboor iyo Fiisaha) iyo hubinta qofka ku safraayo lahaanshihiisa dukumiintiga safarka ayaa maanta loogu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho Saraakiisha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Booliska Soomaaliya, gaar ahaan qeybta Interpol.

Tababarkaan ayaa waxaa bixintiisa iska kaashaday Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Safaaradda Sweden ee Nairobi, iyadoo uu goobjoog ahaa Xoghaya Koowaad ee Safaaradda Sweden ee Nairobi. Tababarka oo heerkiisu sareeyay ayaa waxaa bixinaayay Saraakiil ka socotay Dowladda Sweden iyo Hey’adda Xuduudaha Midowga Yurub (Frontex).

Ujeedadada Tababarkaan ayaa aheyd in lagu barto ka hortagga dukumiintiga ay ku safraan dadka isu eg, isla markaana rabaan in ay uga gudbaan xuduudaha Dalka Baasabooro ama dukumiintiga safar oo aysan iyagu laheyn. Saraakiisha ayaa tababarka ku qaadanayay dukumiintiga Yurub ee lagu safro sida Baasaboorka Sweden, Aqoonsiga iyo Degenaanshaha Sweden, Sidoo kale Saraakiisha ayaa tababarka ku qaadanayay qalabka lagu baaro Baasaboorada, iyadoo ay ku kala saaraayeen Baasaboorka saxda ah iyo kan been abuurka ah.

Lataliyaha sare ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane, Mahad Axmed Cabdi oo dowr muhiim ku lahaa qabsoomidda tababarka iyo Agaasimaha Waaxda Maareynta iyo Kontoroolka Xuduudaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Gaashaanle Fahmo Xasan Maxamud oo goobjoog ahaa ayaa Saraakiisha kula dardaarmay in ay ka faaideystaan fursadaha tababarada ah ee hay’adda mar kasta la garab taagan tahay, gaar ahaan Saraakiisha ka howlgala Xuduudaha Dalka. Waaxda Maamulka Xuduudaha Dalka ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa mudooyinkii dambe waday horumarinta Saraakiisha safka hore ee ka howlgala Xuduudaha Dalka ( Dhulka,  Badda iyo Garoomada diyaaradaha).

Saraakiisha dhameysatay tababarka ayaa la guddoonsiiyay Shahaadooyin cadeynaya aqoonta ay u leeyihiin baarista dukumeentiyada safarka, iyadoo Sidoo kale qalabka lagu baaro dukumeentiyada lagu wareejiyay Waaxda Maareynta iyo Kontoroolka Xuduudahah ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, taas oo ka caawin doonto hadda kadib baarista dukumeentiga safarka.

Dhanka kale Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa Tababarayaasha guddoonsiisay hadiyado ka turjumaya dhaqanka Soomaaliya. Ugu dambeyn Tababarkaan ayay aheyd in uu ka dhaco dalka Sweden, balse xayiraadaha Corona-Virus ee kala xiray adduunka ayaa keentay in Dalka gudihiisa lagu qabto, si loo joogteeyo tababarada Saraakiisha safka hore ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.