Xabbad joojin ka dhaqangashay Israa’iil iyo Falastiin

Kumanaan dad ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka Marinka Qaza iyo guud ahaan dhulka Falastiin ee la haysto si ay ugu dabbaal dagaan xabad joojinta u dhaxeysa Israa’iil iyo kooxaha hubeysan ee Falastiin.

Xabad joojintaan oo dhaqangashay saacadihii hore ee maanta,isla markaana si caalami ah loo soo dhoweeyay, waxaa garwadeen ka ah Xukuumadda Dalka Masar.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo Kooxaha Falastiiniyiinta ee Xamaas iyo Islamic Jihaad ayeey ku xaqiijiyeen xabad joojinta, iyagoo sheegay inuu dhaqan galayo 2-da subaxnimo ee Jimcaha oo maanta ah.

Dad badan oo reer Falastiin ah ayaa ku soo laabtay guryahoda,xilli inta badn la burburiyay dhismayaal muhiim ah iyo deegaanno kale.

11-maalmood oo ay socdeen duqeyn aan kala joogsi lahayn waxaa Qaza ku dhintay 232 Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 65 carruur ah,halka, dhinaca Israa’iil, ay ka dhinteen 12 qof, oo ay ku jiraan laba carruur ah.