Qaar ka mid ah Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo soo gaaray Muqdisho

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada K/Galbeed,Galmudug iyo Jubbaland Lafta-gareen ,Qoor-qoor,iyo Axmed Madoobe ayaa manta soo gaaray Magaalada Muqdisho,si ay uga qeybgalaan Shirka Wadatashiga ee la xiriira arimaha doorashooyinka.

Waxaa Magaalada Muqdisho ka socda Qabanqaabo ku aadan munaasabadda furitaanka iyo socodsiinta howlaha shirka wadatashiga.

Xukuumadda DFS ayaa sheegtay in aysan jirin wax isbaddal ah oo ku yimid hannaankii loogu talagalay qabashada shirka wadatashiga.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Hirshabeelle,ayaa la filayaa in ay soo gaaraan Caasimadda Dalka.