Taliska Booliska oo baaraya Kiiska Marxuumad Rumaan Cabduqaadir Maxamuud

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa sheegay inay baaritaan ku sameynayaan kiiska Marxuumad Rumaan Cabduqaadir Maxamuud oo ahayd 14 jir, kuna dhalatay magaalada Muqdisho, taasi oo ay ku dhacday rasaas bastooladeed.

Ehelada marxuumadda ayaa u sheegay Hoggaanka Baarista Dembiyada in aysan jirin wax rasaas ah oo ay isku fakisay gabadhooda, balse lagu fakiyay, Waxaana saraakiisha Hoggaanka Baarista Dembiyada ay xuseen inay baarayaan arrinta iyo sida ay u dhacday, isla markaana natiijada ka soo baxda baarista kiiska ay la wadaagi doonaan Ummadda iyo ehelkeeda.

Falkaan ayaa shalay gelinkii dambe ka dhacay xaafadda Suuq Bacaad ee Degmada Yaaqshiid, waxaana durba meydka Marxuum Rumaan Cabduqaadir la geeyay hoggaanka dambi baarista CID.

Arrintaan ayaa meesha ka saaraysa warar lagu faafiyay baraha Bulshada oo lagu sheegay inay isku fakisay Bastoolad Marxuumadda, iyadoo iska duubaysa Muuqaal.