Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegayey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka qeyb galay munaasabad uu xulka kula wareegayay Wasiirka  cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Khaliif Ugaas Xuseen oo ka dhacday xarunta Wasaaradda.

Xafladda waxaa kalo ka qeybgalay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Wasiir ku-xigeenno, Wasiiru Dowlayaal, Xildhibaannada Labada Gole ee Baarlamaanka, howlwadeennnada Wasaaradda iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda ahna Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa sheegay muddadii uu joogay xafiiska inuu dadaal ku bixiyay sidii sare loogu qaadi lahaa Howlaha Wasaaradda, wuxuuna soo hadal qaaday in shuruuc dhowr ah oo muhiim u ah Dalka la hirgeliyay , kuwa kalana la ansixiyay. Wuxuu inta ku daray inuu Wasiirka cusub kala shaqeyn doono sidii horey loogu sii wadi lahaa shaqooyinka ay ka qabaneyso Wasaaradda.

“Waxay ii tahay sharaf inaan qayb ka ahaado taariikhda Wasaaraddan” ayuu yiri Wasiirkii hore Duraan Faarax  oo inta ku daray “Muddadii aan hoggaaminayay Wasaaraddan waxaan ku dadaalay inaan dhiso hay’ad gudan karta waajibaadkeeda qaranku u idmaday. ”

Wasiirka cusub ee Wasaaradda shaqada ee maanta xilka la wareegay Mudane Cabdiwahaab Ugaas Khaliif Ugaas Xuseen  ayaa sheegay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ay laf-dhabar u tahay horumarinta bulshada iyo dowladnimada, wuxuuna uga mahadceliyay Wasiirkii hore dadaalladii uu ku bixiyay horumarinta Wasaaradda.

“Waxaan dadaal ku bixinaynaa sidii horey aan ugu sii wadi lahayn Wasaaraddan muhiimka u ah bulshada Soomaaliyeed, waqtiga aan heysanno waxaan xoogga saari doonaa dardargalinta howlaha Wasaaradda.” ayuu yiri Wasiirka cusub ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Cabdiwahaab Ugaas Khaliif  oo sidoo kale u mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka iyo Madaxweynaha Dalka.

Gabagabadii, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ku ammaanay Wasiirka xilka wareejiyey shaqooyinka adag ee uu dalka u soo qabtey, isagoo ka rajeeyey Wasiirka cusub inuu si daacadnimo iyo wadaniyad ku jirto ugu adeeggo shacabka Soomaaliyeed.