Wasiirka Wasaaradda qorshaynta Galmudug oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee wasaaradda Qorsheynta Galmudug.

Wasiirka wasaaradda Qorsheynta maamul goboleedka Galmudug,Gudoomiyaha Caasimadda maamul goboleedka Galmudug ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha cusub ee wasaaradda Qorsheynta Galmudug.

Mashruucan oo uu maalgalinayo banka aduunka, qaybna ka ah Barnaamijka hormarineed ee Biyoole ayaa waxaa ka soo qeybgalay wasiiro katirsan Galmudug, Agaasimaha guud ee madaxtooyada Galmudug, taliyaha qeybta booliska Galmudug, agaasimayaal iyo saraakiil kale.

Gudoomiyaha Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow ayaa kaga mahad celiyay madaxwaynaha Galmudug go’aanka uu qaatey ee dhulkan loogu badalayo Xarunta Wasaaradda qorsheynta taasi oo uu xusay in ay qayb ka qaadan doonto bilicda Caasimada.

Wasiirka wasaaradda Qorsheynta Galmudug, Abdinasir Gelle Elmi oo ugu dambeyn ka waramey marxalada mashruucan uu soo maray ayaa xaqiijiyey in howsha dhismuhu bilaaban doonto isla todobaadkan.