AMISOM oo dayactir ku sameysay garoonka diyaaradaha ee Jowhar

Ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa dhameystirey dayactirka dhabaha diyaaradaha ee garoonka Maxamed Dheere ee magaalada Jowhar.

Dharer 3km iyo balac 30 mitir ayay dib u habeyn ku sameeyeen kaas iminka ah mid heer caalami ah.

Dib u dhiska garoonka diyaaradaha ee Maxamed Dheere ayaa suurtagelinaya in diyaaradaha waa weyn ka degi karaan garoonka, waxayna kordhinaysaa dhaqaalaha gobolka iyo isu socodka.

Diyaaradaha nooca Antonov C-130 oo qaada xamuul gaaraya 20 ton ayaa isticmaali kara hadda garoonka magaalada Jowhar, sida ay sheegeen khubadaha garoomaha.